Madaxweynaha Dalka Israel Iyo Qudbadiisa Shirka Davos Ee Qadiyada Dawlada Somaliland

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog, ayaa maanta khudbad ka jeedinaya shirka Madasha dhaqaalaha adduunka ee ka socda magaalada Davos ee dalka Switzerland, halkaasi oo sidoo kalena uu ku sugan yahay wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Madaxweyne Isaac Herzog ayaaa khudbadiisa kaga hadli doonaa xaaladaha istaraatiijiyadeed ee dunida, isbedelada socda ee dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda iyo masaaliixda Israa’iil ee Badda Cas iyo Gobolka.
Haddaba, Madaxweynaha Israa’iil khudbadiisa ma ku soo darsan doonaa xidhiidhka diblomaasiaydeed ee dalkiisu la yeeshay Jamhuuriyadda Somaliland?