Halgankii Sultan Diiriye Amaan Iyo Taariikhdii Daraawishta Somaliland 1899 – 1921

Daraawiish waxa taliye ku xigeen ka ahaa Xaaji Suuddi (Shirrixi). Markuu dhintay 1908-kii, waxa booskiisii galay walaalkii Cabdillaahi Shirrixi ilaa markii Daraawiishtu jabtay. Kuwani waa niman Habarjeclo ah oo Aadan (Maddoobe) ah. Ma aha taariikhdu sida ay u qoreen adeeradaa duufaalladii taariikhda qalloociyey.

Ismaaciil Mire (Daraawiish) taliye ku xigeen kama ahayn, mana ahayn wax ka badan taariikh gacan-ku-rimis ah oo ay qoreen baadariyaashii Aw Jaamac Cumar Ciise iyo gacanyarihiisii mucatabale jaalaha Idaajaa, kuwaas oo muddo ku dhow 50 sano ku mashquulsanaa qorista taariikh been ah. Haddaba halkaas markay marayso, waxaynu ka daba tegaynaa beentii ay qoreen duufaalladii taariikhda qalloociyey, taariikhda saxda ahna waa tan hoos ku xusan ee iska barta.

Daraawiish calanka waxa u siday niman ka soo jeeda Habarjeclo iyo Habar Yoonis, min bilow ilaa dhammaadba waa intaas. Duufaalladu ha joojiyaan beenta ay qoreen, hana joojiyaan wasakheynta ay isleeyihiin dhegaha ka wasakheeya ummadda reer Soomaaliland.

Darwiish Xaaji Jaamac Yuusuf (Tamiin-Laaye) – 1894, Habar Yoonis (Sacad Yoonis).

Waraaqdii Ingiriisku qoray bishii December 1919, oo ay ku taxnaayeen magacyada madaxda Daraawiishta, ayaa la faafiyey wax yar ka hor dagaalkii diyaaradaha ee dhacay 27 Janaayo ilaa 17 Febraayo 1920. Waraaqdaasi waxay gaadhay ilaa xarumihii Daraawiishta.

Markii Ina Carro (Sayid Maxamed Cabdulle Xasan) arkay magaciisa oo ku qoran waraaqdaas, aad buu uga nixay. Bishii May 1920, markay cuqaashu iyo wadaaddadu ugu tageen Qoraxay, wuxuu yidhi:

“Waxay ugu naxdin badnayd maalintaan magacaygii akhriyey waraaqaa ku yaallay. Maxamed Cabdulle Xasan, Bah Ogaadeen / Bah Geri Reer Xamar. Shimbir igamay nixiso, laakiin warkaas baa iga nixiyay. Waar ma anaa Ogaadeen ah oo Bah Geriya? Ma midgaan baan ahay? Sidan u niyad-jabay… maalintaas weligay ma ilaawi doono, markii laygu sheegay midgaan anigoo Qurayshi ah oo la abtirsi lahaa Lij Ilyaasu, boqorka Xabashida.”

Waraaqdani waxay sidoo kale ka nixisay baadariyaashii Dhulbahante ee taariikhda qalloociyey intii u dhaxaysay 1970–1976. Aw Jaamac Hayaag buug ayuu qoray, halka Axmed Faarax Cali (Idaajaa) uu ka noqday gacan-yare, isna diyaariyey buug uu ku sheegay in gabayo badan ay ahaayeen kuwii Ismaaciil Mire, inkasta oo gebi ahaanba laga saaray gabayadii beelaha kale kaga bahdilayeen. Sidaas darteed Ismaaciil Mire waxaa loo soo bandhigay sidii halyey, halka magaciisu aanu xitaa ka muuqan waraaqdii Ingiriiska.

Qaar baa qosol ku yidhi: “Yaa ka maqan? Ma Ismaaciil Mire oo doobile ka ahaa xarunta, marna daabax isaga iyo edadii Miida Tuura?” Qaar kalena waxay marmarsiiyo ka dhigan jireen in xaaskiisii Faadumo xanuunsanaysay, balse xogaha kale waxay caddeeyeen in la qabtay ka hor dagaalkii diyaaradaha. Markii la qabtay, indhihiisa hoos ayuu goday, wuxuuna yidhi: “Sayid Maxamed jaahaan ku degey, gaal ku dhugan maayo.” Waxaa kale oo la sheegay inuu yidhi: “Sayidii afkii aan ku idhi ‘Saahib’ ku odhan maayo,” isagoo ugu yeedhi jiray “Aabo” halkii uu ka odhan lahaa Sayid.

Dhab ahaantii, Ismaaciil Mire wuxuu ahaa nin han yar, qawlalaysato ah, oo gabayo ka samayn jiray geela la dhacay, isagoo u arka guul weyn. Ma ahayn nin dagaal ku caan baxay, balse si qaldan ayaa loogu taxay darajo iyo sharaf aanu mudnayn.

Markii la gaadhay dagaalkii Ruga ee Dhul-Madoobe, rakuublayaashii oo ahaa 90 nin ayaa dagaallamay; 30 waa la dilay, 30 waa carareen, 30-na way dagaallameen. Daraawiishta oo ahaa 1200 ayaa laga dilay ku dhowaad 400 nin, halka 4000 oo halaad oo maatada Dhulbahante laga qaaday ay ku baxeen. Maydkii Daraawiishta lama qaadin, dhaawacyadii 50-ka ahaa xitaa waa laga cararay; habeenkii qaar libaax baa cunay, qaarna dhurwaa.

Raggii Daraawiishta ahaa ee halkaas ka dagaalamayna waxay ahaayeen Habarjeclo iyo Habar Yoonis; koofilna iyagaa dilay, waana xaqiiqo.

Geedkii dagaalka waxaa ku caan baxay rakuublayaal lagu abaalmariyey billado, sida Gaboobe Cali, Jaamac Xirsi, iyo Jaamac Siciid. Kuwani waxay muujiyeen geesinimo iyo halyeynimo dhab ah, halka Daraawiishta la jebiyey. Inkasta oo gabayadoodii ay ka dhigeen sidii ay Makka qabsadeen, xaqiiqadu waxay ahayd in la jabiyey.

FG: Ugu dambayn, xaqiiqada taariikheed waxay sheegaysaa in Ismaaciil Mire uu Daraawiishta ka baxay sanadkii 1918-kii. Inkasta oo buugag iyo gabayo badan lagu soo bandhigay sidii halyey, run ahaantii wuxuu ahaa nin baxsaday oo aan wax geesinimo dagaal ah lagu aqoon.